Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Sababta losoo Hormariyay Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay Sababta losoo Hormariyay Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka mida waftiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wajiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka.

“Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahad-celinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Bishii Luuliyo ee sanadkan oo labada dhinac wadahadalladoodu ka bilowdeen Ankara ayaa is araga xiga loo balamay bisha Semtember wallow waqtigaas laga soo hormariyey.

“Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii arrimaha dibadda uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay mumiin inay tahay in wajiga labaad uu deg deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’ud Aweys.

Wuxuu sheegay wasiirku in madaxweynaha Turkigu uu teleefoonka kula hadlay xalay madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo ka wada hadlay dadaallada iyo sidii horrey loogu sii ambaqaadi lahaa.

Sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, shirka ayaa ka sii anba qaadaya halkii horrey loo taagnaa, balse wuxuu ku adkaystay inaysan Soomaaliya marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbaannida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa horrey u sheegtay inay doonayso inay boos ka hesho badda cas balsse dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in Itoobiya ay martay dariiq an ahay kii saxda ahaa sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal u jeedinayey labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo booqday Addis Ababa uu sheegay in Itoobiy loo ogolaan doonno marin baddd ah.

Ad
Previous articleXildhibaanada Hirshabeele oo Maantay Sabab U noqday inuu Furmi waayo kal Fadhigii Baarlamaanka oo Xasaasi ahaa
Next articleXildhibaan Sanyare” Deni Waxaan u jawaabaya markii 4 walalihiisa uu qabrigooda dhagax dhigo oo Puntland dhig iyo dhaqaale u ku bixiyo”