Home Wararka Maanta Ninkii Dilay Ridwaan Ibraahim Cabdullaahin oonXukun Adag lagu Riday

Ninkii Dilay Ridwaan Ibraahim Cabdullaahin oonXukun Adag lagu Riday

0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida, ayaa xukun kasoo saartay Xidigle Maxamed Xasan Maxamed oo loo heysto inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay kawada tirsanaayeen, falkaasi oo dhacay Labo iyo tobankii May ee Sanadkaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Labaatan iyo afartii bishii May ee Sanadkaan, balse Xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Lixdii Bishaan August Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Xidigle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inuu Bixiyo Boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex Xle Xoogga Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sidoo kale Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleNadaara oo Kasoo Goostay Alshabaab oo Caawa loo Magaacabay Agaasime Guud
Next articleAlshabaab ooo Khaarijiyay Sarkaal sare oo KaTirsanaa Saraakiisha Kenya