Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Xalay aano Qabiil Dad loogu Laayay

Galmudug oo Xalay aano Qabiil Dad loogu Laayay

0

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay tuulo lagu magacaabo Baalal-dheer oo hoostagta deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud, waxa ay ku dileen labo nin oo shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaa oo lagu weeraray guryahooda.

Sida aan wararka ku helnay maleeshiyaadka hubeysan ayaa aano qabiil u dilay Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinaasir Maxamuud Cilmi Mataan , labadan nin ee xalay la dilay ayaana deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka dilka geestay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen , waxaana deegaanka dilka ka dhacay laga dareemayaa xiisad ka dhalatay dilkan aadka looga naxay ee xalay loo geestay labada nin ee kamid ahaa dadka caanka ka ahaa deegaanka dilku ka dhacay.

Meydadka labada nin ee xalay la dilay ayaa saakay la geeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi la filayaa in lagu aaso, waxaana Cadaado looga ka socda kulamo looga arrinsanayo xaaladan soo korortay.

Dhowr habeen kahor ayaa sidaan oo kale deegaan hoostaga gobolka Galgaduud waxaa iyana aano qabiil loogu dilay labo wiil oo walaalo ahaa , kuwaa oo iyana kasoo jeeday deegaan ahaan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleWadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya oo Markale ankara Ka Furmaaya iyo Wafdi Halkaas gaaray
Next articleAbiya Axmed oo Ka hadlay Waxa Ay kawada Hadleen Erdogaan ee Bada Soomaaliya