Home Wararka Maanta Qaraxyo lagu Weeraray Saldhiga Degmada Baladxaawo

Qaraxyo lagu Weeraray Saldhiga Degmada Baladxaawo

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo xalay lagu qaaday saldhigga booliska degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyada oo ahaa bambaanooyin ayaa waxaa lagu ekeeyay saldhigga, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaar kamid ah askartii ku sugnayd.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sid ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah

Askariga booliska ah ee dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bile Hufood, wuxuuna sidoo kale horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Beled-xaawo.

Xubnaha weeraray saldhigga ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay goobta isaga baxadeen, waxaana haatan soconayo baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha amniga.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha dhaliyay.

Beled-xaawo ayaa waxaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fuliya dagaalyahanada Al-Sabaab, balse ma jiro weli wax war ah oo ay kooxda kasoo saartay weerarkan.

Gedo ayaa kamdi ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana sidoo kale ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo Daraawiishya Jubbaland.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleYaa ka Danbeeyey Dilka Gudoomiye Cabdidahal Shuuriye oo la dilay?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Magaalada Xarardheere