Home Wararka Maanta Qaar ka Mid ah Maxabiistii Alshabaabka ahaa ew Ka Baxsaday Xabsiga Gaalkacyo...

Qaar ka Mid ah Maxabiistii Alshabaabka ahaa ew Ka Baxsaday Xabsiga Gaalkacyo oo lasoo Qabtay

0

Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta kusoo dhigay mid kamid ah xubnihii kooxda Al-Shabaab ee todobaadkii hore ka baxsaday xabsiga waqooyiga magaalada Gaaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Barkhad Cawil Xirsi oo ku xukunanaa dil toogasho ah ayaa lasoo qabtay, ayada oo la abaal-mariyay ciddii soo sheegtay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliska Puntland.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa shabakad argagixiso ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay haldoor badan oo kamid ahaa Gobalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalka la sii raaciyay “Ciidanka Booliska Puntland ayaa abaal mariyay ciddii keentay xogta dilaaga argigixisada ah ee Barkhad Cawil Xirsi.”

Puntland ayaa sidoo kale weli baadi goob ugu jirto saddex kale oo weli baxsad ah, kuwaas oo horay dilal uga gaystay gobolka Mudug.

Xubnaha la baadi goobayo ayaa kal ah: 1- Abdiqani saleeban Jama (Sayloor), 2- Abdulahu Faysal Xuseen (Abuujonge) 3- Abdirahman Awal Maxamed (Siigayste).

“Qofkii nalawadaaga xogtooda iyo meel ay kusuganyihiin waxa uu abaal marin u helayaa lacag dhan 20,000 iyadoo aan cidna ogaan xogtiisa gaarka ah Nagalasoo xiriir 5540000

Nagalasoo xiriir 431444, Nagalasoo xiriir 5500000” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Tirada guud ee ka baxsatay xabsiga Gaalkacyo ayaa ahayd 12  maxabuus, waxaase isla markii lasoo qabtay 8 xubnood halka maanta lasoo qabtay mid kale, ayada oo saddexda kalena ay hadda ku daba jiraan ciidamada Puntland.

Sidan oo kale sannado kahor ayay xubno Shabaab ah uga baxsadee xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistaas qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo dib ugu laabtay Al Shabaab.
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya Miyay Itoobiya Siinaysaa Bad iyo Dakad kadib Heshiiskii Xalay?
Next articleYaa ka Danbeeyey Dilka Gudoomiye Cabdidahal Shuuriye oo la dilay?