Home Wararka Maanta Mareykanka, Qadar iyo Masar oo baaq u diray Israa’iil iyo Xamaas

Mareykanka, Qadar iyo Masar oo baaq u diray Israa’iil iyo Xamaas

0

Maraykanka, Masar iyo Qatar ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ugu baaqayaan Israa’iil iyo Xamaas inay dib u billaabaan wadahadallada xabbad-joojinta iyo sii deynta la-haystayaasha.

Israa’iil waxay sheegtay inay dad u diri doonto gorgortanka wada-hadallada la soo jeediyay, kuwaasoo oo la sheegay inay Doha ama Qaahira ka dhacayaan 15-ka Agoosto. Xamaas durba kama aysan jawaabin baaqaas.

Cadaadiska diblumaasiyadeed ee soo cusboonaaday ayaa loo arki doonaa isku day lagu doonayo in lagu joojiyo xiisadaha gobolka oo faraha ka sii baxaysa, ka dib markii la dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh todobaadkii hore. Iran, oo dilkaas ku eedeysay Israel, ayaa wacad ku martay inay jawaab ka bixin doonto – inkastoo Israel aysan si toos ah uga hadlin dilka.

Ad
Previous articleCabsi la soo daristay dadka magaalada Xayfa ee Israa’il iyadoo laga cabsi qabo dagaalka Israa’iil iyo….
Next articleMaxaa mar kale calanka Puntland looga hadal hayaa dalka Mareykanka?