Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si weyn u weeraray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo uu xilligan ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed xooggan.
Agaasimihii hore ee NISA ayaa waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu markasta u nugul yahay shisheeyaha, uuna sidaas darteed ula diriray markii ay xukunka joogeen, uuna tii ku hayo Xasan oo markaas raali uga ahaa, sida uu sheegay.
Hoos ka aqriso qoraalka Fahad
Saciid Cabdullaahi Deni shalay markii ay dowladdii Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo shisheeyaha isku dhaceen wuxuu la saftay shisheeyaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh qudhiisa, shalay markuu Deni shisheeyaha ka raacay maamulkii hore, wuxuu u yaqaanay taas kaarto siyaasadeed.
Laakiin ku dayan meyno oo kama tanaasuleyno mabaadi’da saxda ah ee difaaca dalka iyo u hiilinta qaranka.