Home Wararka Caalamka Sirdoonka Dalka Turkiga oo soo bandhigay Xog la Xiriirta Dilkii Haniya

Sirdoonka Dalka Turkiga oo soo bandhigay Xog la Xiriirta Dilkii Haniya

0

Hay’adda sirdoonka Turkiga ee MiT ayaa la sheegay inay ka hortageen labo isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu dilo madaxii hore ee xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh oo lagu qaarajiyey weerar ka dhacay Tehran Arbacadii, sida ay sheegtay CNN Turk.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inuu jiray fayl gaar ah oo MiT ay ugu magac dartay (Steel Shield), wuxuuna ahaa howlgal gaar ah oo lagu ilaalinayay Haniyeh.

Inta lagu jiray howlgalka MiT ayaa fashilisay iskuday la qorsheeyay in howlgal lagu dilayo Haniyeh laga fuliyo Turkiga inta uu booqashada ku joogay bishii April, sidoo kale howlgal kale oo la qorsheeyay ayaa ka dhici lahaa Doha oo uu degganaa Haniyeh, iskudaygaana wuxuu ahaa mid fashilmay.

Sirdoonka Turkiga ayay warbixintu sheegtay inay ku wargeliyeen Haniyeh inuusan booqan Tehran, sababtoo ah waxaa jirtay calaamad muujinaysa howlgal horumarsan oo lagu dili karo, marka uu ku adkeystay waxaa la sheegay inay la wadaageen tallooyin amni iyo inuu muujiyo taxaddar dheeraad ah oo uu uga fogaanayo qalabka internetka ku xiran iyo telefoonada gacanta.

Illaa hadda ma jirto warbixin faahfaahsan oo laga hayo sida uu u dhacay howlgalka lagu dilay Haniyeh, iyadoo toddobaadkan warbixin kooban oo ay soo saareen ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo ilaalinayay goobta lagu dilay Haniyeh ay sheegeen gantaal laga soo ridday bannaanka dhismaha uu degganaa Haniyeh in dilka lagu fuliyay.

Tan iyo marka uu dilka dhacay Iran ayaa loo jeedinayay in saraakiisheeda ay dilkan ka qeyb qaateen iyo fadeexad weyn oo sirdoonkeeda iyo hay’adaha amniga oo dilkan uu u soo jiiday.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleDowlada Masar oo Ciidamo Usoo Diraysa Soomaaliya
Next articleTurkiga oo maxkamada ICJ u gudbiyay codsi ah inuu kula biiro South Africa Kiiska Xasuuqa ee Israel