Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya oo maantay Ansixiyay Sharci dad Badan ku Farxeen

Baarlamaanka Soomaaliya oo maantay Ansixiyay Sharci dad Badan ku Farxeen

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa eeĀ  Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga shaqada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay xukuumadda dalka.

Xubnaa baarlamaanka oo horay doodo kala duwan uga yeeshay xeerkan aya maanta ugu dambeyn ansixiyay, waxaana jira inta ay socotay codeynta xildhibaannada qaar ay buuq sameeyeen, kaas oo kadib uu maareeyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

ā€œMudanayaasha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inay fariistaan si uu natiijada u sheegay guddoomiyuhuā€ ayuu yiri Habdhowraha baarlamaanka Soomaaliyaā€

Dhankiisa guddoomiye Aadan Madoobe oo soo farogeliyay buuqa ayaa yiri ā€œAan is dhageysano xildhibaanno hala fariisto, waddada baneeya oo kuraastiina fariistaā€.

Intaas kadib guddoomiyaha ayaa ku dhowaaqay natiijada codeynta la sameeyay oo gacan taag ahayd, waxaana sharcigan ogolaatay illaa 138 mudane, halka uu ka aamusay hal dhibaan, waxaa sidoo kale diiday afar mudane oo kale.

ā€œKooramkeena wuxuu ahaa 143, hal qof waa aamusay, afarna waa diideen 138-na waa ogolaadeen, sidaas daraadeed waa ansax sharciga shaqada iyo shaqaalahaā€ ayuu yiri guddoomiy Sheekh Aadan Madoobe oo kadib si deg-deg ah usoo xray kulanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay lahaa doodo xasaasi ah oo ku aadan sharciyo iyo heshiisyo ay usoo gudbisay xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Ad
Previous articleCiidamo Cusub oo Sugaaya Amniga Muqdisho oo Tababar Losoo Xiray Kadib weerarkii Liido
Next articleMadaale oo lagu eedeeyey inuu Fatwooday Weerarkii Liido