Home Wararka Maanta Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Deegaano Cusub la wareegay Maanta

Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo Deegaano Cusub la wareegay Maanta

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay welinayeen  kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen degaanka Bacaadweyne, waxaana ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen inta u dhaxeysa degaannada Shabeelow, Camaara & Magalada Bacaadweyne.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay guulo waaweyn ka gaareen, isla markaana ay kula wareegeen degaano horleh oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug, isla markaana u dhow Magalada Bacaadweyne.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgallada ay Ciidamada huwanta ah sii wadaan, isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta degaannada Gobolka Mudug laga saarayo Al-Shabaab.

Abadii bilood ee la soo dhaafay ayaa degaano ka tirsan Gobolka Mudug waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay welinayeen  kuwa Daraawiishta Galmudug & Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in Ciidamada Huwanta ah ay degaano dhowr ah la wareegeen.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidanka Booliska oo loo Magacaabay Afayeen Cusub
Next articleCiidanka Booliska ee Degmada Guriceel oo soo saaray Amaro Cusub