Ra’iisul Wasaaraha Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo xalay wada hadalo khadka zoomka yeeshay ayaa ka hadlay dardar gelinta doorashooyinka, arrinta Somaliland, Hirgelinta soo jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.
Ilo ku dhow dhow Shirka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay aad ugu kala aragti duwan yihiin arrinta Somaliland, sida muuqatay ay Madaxda Dowlad Goboleedyada xiriiro lakala leeyihiin labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.
Dhawaan ayaa La filayaa in Doorashada Xubnaha aqalka sare ay si rasmi ah uga Bilaabato Deegaanada Maamul Gobaleedyada waxaana Noqonaya Maamulka ugu Horeeya ee qabta Shirkaas Maamulka Jubbaland