Home Wararka Maanta Booliska oo War kasoo saaray Dhulkii Saakay la Burburiyay

Booliska oo War kasoo saaray Dhulkii Saakay la Burburiyay

0

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgal burburin ah oo ay ciidamada ammaanka saaka ka sameeyeen degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Cabdifitaax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay la wareegtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taalla degmada Boondheere, si loogu shaqeeyo dadweynaha Soomaaliyeed, maadaama ay dageyso wasaaradda arrimaha gudaha.

“Waxaan rabaa inaan u sheego bulshada Soomaaliyeed xarunt wasaaradda arrimaha JFF ee ku taallay degmada Boondheere agagaarka Jubba ay lahayd wasaaradda arrimaha gudaha oo ahayd xarun loogu adeegi jiray bulshada in saaka ay la wareegtay dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in dib loo dhisayo xaruntan, isla markaana uu diyaar yahay mashruucii dib loogu hirgelin lahaa xarunta wasaaradda, si ay u shaqeyso.

Afhayeenka ayaa sidoo kale u mahadcliyay shacabkii daganaa dhulkan saaka la burburiyay, kuwaas oo ugu dameyn laga raray xarunta oo muddo ay daganaayeen.

Dhinaca kale afhayeenka Booliska ayaa digniin u diray dadka weli degan dhulka danta guud, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay inay ka guuraan, isaga oo ugu baaqay inay lamid noqdaan shacabka saaka oo uu tilmaamay inay si nabad ah ku guureen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale u burburisay xaafadda Dab-damiska oo ahayd dhul dan-guud ah, waxaana laga raray shacabkii daganaa halkaasi.

Todobaadkii hore sidoo kale waxaa la burburiyay xaafad kale oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii gabar uu dhalay Maxamed Siyaad Barre loo xukumay dhul ku yaalla halkaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana weli taagan xiisad ka dhalatay burburinta lagu sameeyay halkaas.

Ad
Previous articleDowlada Imaaraadka oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Soomaaliya
Next articleCabdinuur Fooley oo Dowlada Ka Tirsana Alshabaabna La Shaqaynaayay oo Maxkamad lasoo Taagay