Home Wararka Somaliya Galmudug Nuur-Deeq Sarkaalkii Alshabaab katirsanaa iyo xubno kale oo lasii daayay

Nuur-Deeq Sarkaalkii Alshabaab katirsanaa iyo xubno kale oo lasii daayay

0

Nuur Deeq oo Loo Garan Ogaa Nuur Maalinguur Kana Tirsanaa Saraakiisha Alshabaab ee Dowlada Soomaaliya Sanad Ka hor isku Soo Dhiibay Ayaa La Xaqiijiyay In Kasii Daayay.

Nuur Maalin Guur Nuur Deeq ayaa Sanad kahor Isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada Iyo Kuwa daraawiishta Galmudug kadib Dagaalo Qaraar oo K Dhacay Gobalka Mudug.

Nuur Deeq Ayaa Lagu Arkay Magaalada Gaalkacyo asagoo La jooga Qoyskiisa Dadka Reer Galmudug ayaana Durbaba Walaac Ka Muujiyay Imaansha Nuur Deeq Xili Dowlada Soomaaliya Asan Shaacin Sii Daysmadiisa.

Nuur Deeq ayaa Galmudug iyo Puntland Ka Gaystay Dhibaato Badan oo Qaraxyo Iyo Dilal ay ku jiraan Dowlada Soomaaliya ayaa La Sheegay inay Dhaqaale u Waysay Nuur Deeq iyo Saraakiil kale oo Lagu Haayay Hotel ku yaala muqdisho Sidaasna Lagu sii daayay.

Nuur Deeq ayaana Alshabaab Xilal Badan kasoo Qabtay ilaa Gobalka Mudug Madax looga Dhigay Markii Uu isu soo Dhiibay ayaa Waxaa Soo Qaaday Sawirana Lasoo Galay Fiqi iyo libaan Shuluq kuwaas oo Dowlada Soomaaliya U Sheegay inuu Nuur Deeq Isiso Dhiibay.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe uu Guutada Birjeex usheegay inay Alshabaab aargoosi ah kusoo Socdaan
Next articleWasiirkii Soomaaliga ahaa ee waardiyaha ka noqday Maraykanka iyo sheekada xiisaha leh ee ku gamaadan noloshiisa