Home Wararka Maanta Maxay Ahaayeen Ciidamada Faraha Badnaa ee Maantay soo Galay Gobalka Hiiraan

Maxay Ahaayeen Ciidamada Faraha Badnaa ee Maantay soo Galay Gobalka Hiiraan

0

Maxay Ahaayeen Ciidamada Faraha Badnaa ee Maantay soo Galay Gobalka Hiiraan?

Ciidamo Badan oo Itoobiyaan Ah ayaa Maantay kasoo Gudbay Xadka Gobalka Hiraan La Wadaagto Soomaaliya Kuwaas oo Gaaray Degmada Maxaas.

Dowladda Itoobiya ayaa codsi rasmi u soo gudbisay Dowladda Soomaaliya codsigaas oo khuseeyo fasax iyo ogolaansho soo gelitaanka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Maxaas halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa ATMIS kamid ah.

Ciidamada Itoobiya ee soo gaaray Maxaas ayaa galbih doona illaa 500 Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan, bixitaankaas oo kamid ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS.

Itoobiya ayaa ciidan sagootiya ciidamadeeda Soomaaliya ku sugan u soo dirtay, waxeyna u soo martay jidka saxda ah sida ka muuqata codsi rasmi ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya u soo dirtay dowladda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah aan helay.

Ad
Previous articleTiro ka badan146 ruux oo ku geeriyooday Itoobiya kadib Markii uu Dhulku la Go’ay
Next articleDowlada oo weerar Ku Qaaday Dad Daganaa Ceelasha Biyaha Lana Burburiyay Guryahoodii