Home Wararka Maanta Taliye Qoslaaye iyo Kooxdiisii oo Markale Xukun lagu Riday

Taliye Qoslaaye iyo Kooxdiisii oo Markale Xukun lagu Riday

0

Maxkamadda sare ee ciidamada oo markale xukuntay Qoslaaye iyo kooxdiisii.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay Labaatan iyo Labadii bishii February ee sanadkaan 2024.

Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan Lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha Tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleAgaasimihii Danbiga Lagu Waayay oo Goordhow Kasoo Dagay Garoonka Adan Cade iyo Dowlada oo u diiday…..
Next articleMid ka mid ah xildhibaanada Federalka ee ugu Samaaynta Badnaa Galmudug oo Qoor Qoor Weeraray