Home Wararka Somaliya Galmudug Kala Taga Qoor Qoor iyo Xasan shiikh oo Caawa Banaanka Usoo Baxday...

Kala Taga Qoor Qoor iyo Xasan shiikh oo Caawa Banaanka Usoo Baxday Kadib Hubkii lagu Boobay caabudwaaq

0

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo Kasoo Jeeda Beesha Reer Xaaji saleebaan ahna Xisbiga Madaxweyne Xasan shiikh oo Caawa Markii Ugu Horaysay qoor Qoor Dhaliilay Kuma uguna Baaqay inuu Xilka Deg deg ku Wareejiyo doorashana qabto.

Xildhibaan Saabir ayaana Sidaan goordhow Qoor Kusoo Daabacay Facebookiisa

Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magacdilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada.

Waa nasiibdaro iyo maangaabnimo in uu u maciinsado dicaayad iyo warar beenabuur ah oo facebook lagu qaro in ay inaga hor istaagi karaan in Galmudug isbedel hoggaan lagu sameeyo.

Cayda iyo dicaayadda magacdilka ah waxa ay cadayn u tahay quusta iyo rajobeelka ku haya. Faanka iyo isboqrida Facebook gana waxaa isku sabarsiisa qof aan ogeyn in ay jirto maalin kale oo beri ah oo aad weli u baahan tahay in lagu beenfaaniyo.

Saaxiib waxaad sugtaa dhowaan waa isbedel iyo power transfer sababtoo ah waa hubaal in xil dadweyne aan SHARCIYAD LA’AAN IYO MAGACDIL DAD aan lagu sii joogi karin.

IN AAN JOOGO JECLAAYEE hortaa ayaa la waayey.

Ad
Previous articleQoor Qoor Oo Fursad Cajiib ah Ka Dhex Helay Hubkii Caabudwaaq Lagu Boobay(Xog)
Next articleUgaaska Beesha Mareexaan oo Dalabkii Dowlada gashaanka U daruuray Jawaab adagna Soo Diray