Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Qaadaysa Maantay Talaabadii Ugu Horaysay...

War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo Qaadaysa Maantay Talaabadii Ugu Horaysay ee ay kusoo Celinayso Hubkii Lagu Boobay Duleedka Caabudwaaq

0

Dowlada Soomaaliya ayaa Maantay Qaadaysa talaabadii Ugu horaysay oo ay kusoo Celinayso Hubkii lagu Boobay Shilamadoow oo ah DUleedka Caabudwaaq Dowalada Soomaaliya oo Ciidamo Badan gaysay Magaalada Huurshe kuwaas oo aad u hubaysan.

Dowlada Soomaaliya ayaana Marka Hore Ku dayaysa Wadahadal in lagu soo celiyo Hubkii Gacanta Ugalay Maleshiyaad beeleed Hubaysan iyo dad Shacab ah Dowlada Soomaaliya ayaana Goordhow Dirtay wafdi  uu Hogaaminaayo Wasiirka Aminiga Soomaaliya Fartaag iyo Wafuud Ku Beel ah kuwaas oo dhamaantood kasoo Jeeda Magaalada Caabudwaaq.

Wafdigaan ayaana La Filayaa inay Goordhow garaan Magaladaas kuwaas oo wada Hadal Lagali Doona Ugaaska Beesha Mareexaan oo Dagan Magaalada Caabudwaaq kaas oo dhawaan Dowlada Uga Digay inay Talaabo Ciidan oo Sababi karta Dagaal qaado.

Hubkaan ayaana gacan u galay Maleeshiyaad Kala Duwan Kuwaas oo kala qaybsaday Wayna adag tahay in Dib Losoo Celiyo Dowlada ayaana Qorshaynaysa Hadii wadahadalkaan Fashilmo inay Xoog Ku raadiso Hubkaan isla markaasna Ciidamada Faraha Badan kusoo dayso Magaalada Caabudwaaq Taas oo sababi karta in Dagaal Dad badan ku dhintaan Halkaas ka dhaco.

lama Oga Waxa uu ku dhamaan Doono wadahadalkaan Maaantay ka Bilaaban Doona Magaalada Caabudwaaq oo Dhexmari Doona Dadka deegaanka Iyo Dowlada oo sii maraysa Ugaaska Beesha mareexaan.

Waa hubkii Ugu Badnaa oo hal beel Gacanta Ugala  Halmar Tan iyo Burburkii Dowlada Dhexe Hubkaan ayaana Ubadanaa Qoryaha fudfudud iyo kuwa Culus Sida Dhashiikaha iyo Bastoolado farabadan Wali Suuqa lama Soo galin Hubkaan oo Beec ah Beelkastana Waxay xaraysatay Qaybtii kusoo aaday,

 

Ad
Previous articleGalmudug oo Shaacisay Talaabada Xigta oo ay Qaadi Doonaan Kadib Go,aankii Xalay kasoo baxay ee Hubkii lagu Boobay Caabudwaaq
Next articleWar Deg Deg ah: Qoor Qoor oo Goordhow Gudaha U galay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho kadib Markii loo yeeray