Home Wararka Maanta Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxyada Gilgilay wadankiisa Ku eedeeyey Maraykanka

Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxyada Gilgilay wadankiisa Ku eedeeyey Maraykanka

0

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku eedeeyay hay’adda aan dowliga ahayn ee Ford Foundation ee fadhigeedu yahay Maraykanka inay maalgeliyeen dibadbaxyadii ay dhwaan dhigeen dhlainyarada dalka.

“Waxaan rabaa inaan weydiiyo dadka Ford Foundation deeqaha ay bixiyaan si ay u maalgeliyaan fowdada, Maxaa faa’iido ah ayaa looga jeedaa? waxaa sidaasi yiri Ruto xilli uu ka qeyb galayay ” isu soo bax nabadeed” oo ka dhacay bartamaha ismaamulka Nakuru.

Dibadbaxayaasha dhalinyarada ah ayaa dalbanayay in aan la meelmarin miisaanayada 2024 oo ay sheegeen in ay ku jireen canshuuro kordhin aad u sareysa. Madaxwaynaha yaa diiday in uu saxiixo hindisa sharciyeedkaasi isalamarkana kala diray golihisa wasiirada.

Ad
Previous articleGalmudug oo War kasoo saartay Hubkii Lagu Bililiqaystay Duleedka Caabudwaaq
Next articleWar Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Hubkii Lagu Boobay Caabudwaaq