Home Wararka Maanta Naciima: Sida ay ugu suurtagashay in ay hesho aabaheed oo ay raadineysay...

Naciima: Sida ay ugu suurtagashay in ay hesho aabaheed oo ay raadineysay 30-sano ka badan

0

Nimca Maxamed Cabdi ayaa qoyska aabaheed dib ula midowday 33-sano kadib waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, iyadoona muddo sodon sano ka badan baadigoobeysay qoyskeeda.

Nimca Maxamed waxa ay siddeetameeyadii ku dhalatay magaalada Hargaysa xiligaas oo aabbaheed uu ka mid ahaa ciidamada dowladdii dhexe, waxa uuna xiligaas ka shaqeynayay magaalada Hargaysa, balse marar kala duwan ayaa loo badalay deegaano kale oo gayiga Soomaalidu dagto ah.

Bilowgii sideetameeyadii ayuu aabe Maxamed Cabdi guursaday hooyo Faadumo Cali, guurkooda ayaana ka dhacay magaalada Gebiley oo Somaliland ka tirsan.

Muddo kooban kadib aabe Maxamed ayaa laga badalay Gebiley xiligaasna hooyada waxa ay dalbatay furiin balse aabe Maxamed ayaa shuruud hordhigay hooyada waxa uuna ku yiri, hadii aad wiil dhasho aniga ayaa korsanaya, balse hadii ay gabar noqoto adigu korso sida ay BBC-da u sheegtay Naciima.

Bilowgii sideetameeyadii ayay ku dhalatay magaaladii hooyadeed lagu guursaday waxaana aabaha lagu wargaliyay in gabar ay u dhalatay isagoona xiligaas hooyada u soo diray warqad ay ku qorantahay hambalyada dhalashada iyo in hooyada ay ka guuleysatay maadaama ay gabari dhalatay ‘’Hooyo oo gabar yar ahayd markaas ayuu aabe ku dhahay waa la ibadalayaa, magaalada loo badalayo ayay diiday hooyo waxa ayna ku tiri warqadeyda isii, markii uu warqadda siiyay ayuu shuruud ku xiray, markii aan dhashay ayuu warqad soo diray waxa uuna yiri walaasheey waad iga nasiib roonaatay ee inanta adigu noo hay’’ ayay tiri Naciima

Markii uu aabaha soo diray warqadda kadib laba xilli oo kala duwan ayaa xog laga helay, mar uu fariin u soo diray qoyska iyo mar ay wada kulmeen nin ay hooyada qaraabo ahaayeen, intaa kadibna waxaa dhacay burburkii dalka ee 1991-kii.

Sidee ayay isku waayeen Naciima iyo aabaheed?

Dagaalo sokeeye iyo burburkii dowladii dhexe kadib meelo badan oo Soomaaliya ka tirsan ayaa laga barakacay waxaana meesha ka baxday dowladnimadii iyadoona qofkasta uu u hayaamay meesha uu aadi karo, aabe maxamed oo kamid ahaa ciidamadii dowladda ayaa isna u hayaamay magaalada Salagle oo ah dagmo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, waxa uuna halkaas ka bilaabay ganacsi.

Dhalashadeeda iyo burburkii dalka kadib Naciima dib uma aysan helin xog ku saabsan aabaheed waxa ayna marba marka ka danbeysa ku koreysay iyada oo aanan aqoon halka aabaheed ku suganyahay iyo guud ahaan ehelka dhanka aabaheed.

Balse waxa ay inoo sheegtay in aabaheed uu ahaa shaqsi caan ah oo la yaqaan sidoo kalena leh neynaasyo iyo magacyo lagu garto.

Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo War Culus kasoo saaratay Khilaaf Deni Iyo xasan Shiikh
Next articleDowlada Soomaaliya oo Wacad Ku Martay In Maxkamad Lasoo Taagi Doono Kuwii Fududeeyey Weerarkii Xabsiga dhexe