Home Wararka Maanta Faahfaafin: Sidee maanta wax uga dhaceen xarunta xabsiga dhexe ee Xamar?

Faahfaafin: Sidee maanta wax uga dhaceen xarunta xabsiga dhexe ee Xamar?

0

Warar dheerada ayaa ka soo baxaya is-rasaasayn ka dhacday gudaha xarunta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku jiraan maxaabiis kala duwan.

Sida uu BBC-da u sheegay Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashanle sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, howlgalka ayaa la soo afjaray ka dib rasaas xooggan oo muddo saacad ka badan ka dhex socotay xabsiga dhexe ee Xamar.

Wuxuu afhayeenku sheegay in ragga dagaalamayey ay tiro ahaan dhammaayeen shan ka tirsan maxaabiistii ku xirnaa xabsiga.

Afhayeen Cabdiqani, ayaa sheegay in raggii dagaalamayey oo shan ahaa dhammaantood lagu dilay dagaalkii ka dhacay goobta.

Waxaa kale oo intaa ku diray in ciidamadda ay ka dhinteen saddex askari halka dhaawucu uu gaarsiisan yahay 21 isugu jira maxaabiis iyo askar. Saddeex iyo tobban ka mida tiradaas waa maxaabiista sida uu afhayeenku u sheegay BBC-da.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daray in dadka dhaawaca uu ku jiro sarkaal ka tirsan qaybta baanbayda ee ciidanka Asluubta.

Wuxuu intaa ku daray in ragga dhintay ay hore ugu tirsanaayeen ururka Al-shabaab basle ma bixin faahfaafin intaas ka dheer.

Taliska Asluubtu wali war kama bixin sida raggan ay ku sheegeen maxaabiista ay ugu suura gashay in hub gacantoodo galo ka dibna ay ku dagaalamaan.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta oo an waydiinay ilaa hadda sababtaas ayaa BBC-da u sheegay in xogta faahfaahinteeda ay dib ka shaacin doonaan.

Qaar ka mida ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee ku sugan kulanka manta ee Golaha ayaa soo hadal qaaday weerarka ka dhacay gudaha xarunta xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Xildhibaan Jeesow oo hadal ka jeediyey barlamaankaa ayaa sheegay in iska horimaadka ka dhacay xabsiga uu ku abuuray walaac amni.

“Waxaan ka xumahay maanta in xabsigii dhexe la galay oo ay dhibaato badan ka dhacday,”ayuu yiri Jeesow.

Qaar ka mid ah ehelada maxaabiista ku xiran xabsiga oo warbaahinta maxaliga ee Muqdisho la hadlay ayaa dhankooda sheegay inay ka welwelsan yihiin waxaa ka dhacay Xabsiga.

Ad
Previous articleShuute oo Shaaciyay In Xabsiga Dhexe uu Qaadi Waayay Maxaabiista
Next articleMuxuu ahaa Askari Xalay Gabar iyo Hooyadeed Hal Meel Kuwada Toogtay Degmada…?