Home Wararka Maanta Alshabaab oo Hoobiyayaal ku Laayay Dad Shacab ah oo Ku sugnaaa….

Alshabaab oo Hoobiyayaal ku Laayay Dad Shacab ah oo Ku sugnaaa….

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in khasaare badan uu kasoo gaaray dad shacab ah dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Bariire, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab, kadib markii madaafiic lagu gaaracay halkaasi.

Tiro hoobiyeyaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ka tirsan tuulada Balow oo hoostagta Bariire waxaana ku dhammaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsn.

Ku dhowaad 15 qof oo rayid ah, una badan dad beeraley ah ayay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaasha ku dhacay halkaasi, kuwaas oo dhaawacyadooda la keenay Muqdisho.

Laba kamid ah dhaawacyada lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa isbitaalka ku geeriyooday, halka kuwa kale haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira dad isku qoys ah, sida carruur iyo waalidkood.

Aabe Ibraahim Siidow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 4 kamid ah carruurtiisa ay ku dhinteen hoobiyeyaasha, halka wiil kale, hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa ay dhaawac yihiin.

“Carruuteyda 5 ayay ahaayeen 4 waa iga dhimatay midna waa dhaawac, sidoo kale hooyo, aabe iyo xaaskeyga waa dhaawac halis ah” ayuu yiri Aabe Ibraahim Siidow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u fidiso, maadaama uu yahay nin beeraley ah oo aan waxba haysan.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa amarkan waa dhacay nin beeraley ayaan iska ahay oo masaakiin ah waxba aan haysan oo xoogsade ah waxaan ka codsanayaa taakuleyn deg-deg ah in la’isoo gaarsiiyo” ayuu sii raaciyay.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo laa laabtay Bariire, waxaana horay sidaan oo kale loogu laayay dad shacab ah, kadib duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen gudaha deegaankaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Howlgal Balaaran ku Qaaday Alshabaab
Next articlenin Alshabaab Qarax Usoo Dhiibeen Si uu Gaari ugi xiro Taliye Sare oo Lacag abaal Marin ah lasiiyay Kadib……