Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Alshabaab oo weerar Culus Ku Qaadeen Saldhigii Bariire...

War Deg Deg ah: Alshabaab oo weerar Culus Ku Qaadeen Saldhigii Bariire iyo Taliyihii Xeradaas oo Geeriyooday

0

Alshabaab ayaa La Sheegay inay Donaayeen inay Weerar Afjar ah ku Qaadaan Xerada Ciidamada Dowlada ee Saldhiga Bariire Balse Ciidamada Dowlada oo Ka war helay Weerarka Kusoo Wajahan ayaa Ka hortagay Alshabaabkii Soo Socday.

intaas Kadib Dagaal Culus ayaa Ka dhex Qarxay Alshabaabkii Soo Socday iyo Ciidamadii Gorgor ee Ka Hortay Dagaal Saacado Qaatay Kadib ayaa La xaqiijiyay in Taliyihii Xeradaas iyo Askar Kale ayaana La xaqiijiyay inay Ku dhinteen Dagaalkaas.

Taliyihii 4aad ee Guutada 17naad ee ciidanka Gorgor ayaana Halkaas Lagu dilay kaas oo lagu magaacabi jiray Taliiye Cabdisalaan.

Xeradaan ayaana Ciidamada Dowladu Bishii lasoo Dhaafay 19keed kala Wareegeen Ciidamada ATMIS kuwaas oo ay ku wareejiyeen Ciidamo U Hogaaminaayay Taliyahaan Maantay geeriyooday.

Dhanka kale Khasaaro Culus ayaa La sheegay in Alshabaab La Gaarsiiyay Kuwaas oo Diyaarado Dagaal Markii Danbe ay Dagaalka Kusoo Biireen Kuwaaas oo Alshabaab ku qasbay inay Dib Ulaabtaaan lama Oga Khasaaraha Dhabta ah Gaaray Kooxda Alshabaab.

Magaalada Bariire ee Goalka Shabeelada Hoose ayaa Haatan Dagan waxaan Xerada iyo Magaalada Haatan ku sugan Ciidamada Dowlada.

Taliya Cabdisalaan Jaamac ayaana Marrkii Hore ku dhaawacmay Dagaalkaan Balse intii Magaalada Muqdisho loosoo waday ayuu dhex ku geeriyooday Maydka Taliyaha ayaana Goordhow Lasoo gaarsiiyay Cusbitaalka Xooga Halkaas oo Saraakiil sar sare ay ku suganyihiin Haatan Si ay uga Qaybgalaan aaska Taliye Cabdisalaan Jaamac.

 

Ad
Previous articleDowlada Itoobiya: “Cidii ka hortimaada heshiiskii badda waxaan u arkaynaa..”
Next articleDowladda Mareykanka oo si toos ah usoo faro-gelisay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho