Home Wararka Maanta Askari Ka Tirsan Dowlada oo Xalay Sabab Kaa Yaabinaysa Isugu Dilay Magaalada...

Askari Ka Tirsan Dowlada oo Xalay Sabab Kaa Yaabinaysa Isugu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Xalay xaafada Seben Seben oo ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxaa dhacay fal dad badan ka naxeen, kaddib markii la sheegay in nin askari ah isku dilay furriin laga dalbaday dartiis.

Ninka askariga ah ayaa la sheegay in gabar uu si hoose u qabay ka dalbatay furriin, hasa ahaatee uu diiday in gabadha uu furo, waxa uuna ka codsaday iney raali ka noqoto waxa ay ka cabaneysana uu xallin doono.

Dood iyo muran dheer kaddib, gabadhii oo xaalada sii adkeysay ayaa sheegtay inaysan ku qanceyn wax aan furriin aheyn.

Ninkii oo ka carooday furiinka laga dalbaday ayaa la sheegay in qori uu watay ammaanka ka jartay kaddibna labo xabadood caloosha isaga dhuftay taasoo sababtay geeridiisa.

Ninka oo loola cararay isbitaal ayaa la sheegay in daqiiqao kaddib u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga naxay lagana hadal hayo xalay iyo saaka degmada dayniile.

Dhowaan ayey aheyd markii degmada dayniiile uu nin Toorey ku hubeysan ku gowracay hooyadiis iyo abtigiis kaasoo hadda ku jira gacanta laamaha amaanka, wararka qaar ayaana sheegaya in ninkaas madaxa looga jiray.

Ad
Previous articleXasan iyo Xamze oo Isku Khilaafsan Magaacaabista Asad Diyaano
Next articleXildhibaanada Mucaaradka oo Durbaba la kulmay Adan madoobe Digniina Diray