Home Wararka Somaliya Galmudug Beelaha Dir Iyo Shiikhaal oo Heshiis Ka Gaaray Dagaalkii Qaraaraa ee Dhawaan...

Beelaha Dir Iyo Shiikhaal oo Heshiis Ka Gaaray Dagaalkii Qaraaraa ee Dhawaan Dhexmaray(Sawiro)

0

Beelaha Dir iyo Shiiqaal oo heshiis horudhac ah ka gaaray Dagaal beeleedyo maalmo ka hor ka dhacay degaano u dhexeeya Afbarwaaqo iyo Towfiiq.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Putland oo iskugu jira wasiiro, xildhibaano, Maamulada Heer Gobalka ,heer Degmo iyo Taliska Police Gobalka mudug oo ku baxay Colaad dhawan ka dhacay Beriga Gobalka Mudug

Kulankaan oo ka dhacay dhulka miyigaa ee u dhaxeeya Towfiiq iyo Buqoloc ayaa gogol dhig u ahaa xal u helida dirir maalmo ka hor ka dhacay Deegaanada Bariga Gobalka mudug gaar ahaan Towfiiq iyo Buqoloc

Masuuliyiinta ayaa isku raacay kulan saacado qaatay ka dib qodobadaan Soo socda

1. Kala qaadista ciidamada dirirtu dhexmartay
2. ⁠dib u dajinta dadkii ka barakacay magaalooyinkii lagu dagaalamay
– Buqoloc
– ⁠Hirsalaama
3. ⁠Ciidamo xasillinta Gobalka mudug lasoo kala dhex dhigo
4. ⁠ Wada hadalkii labada beelood oo dib loo furro

Ad
Previous articleXasan Sheekh Maxamuud oo si adag kaga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada Dalka
Next articleDowlada oo Saakay Cagafcagaf Galisay Dhulkii Dabdamiska Xirtayna…