Home Wararka Maanta Ninkii Soomaaliga ahaa ee Raasta Huwiyay Banaanbaxayaasha Kenya oo war Cusub kasoo...

Ninkii Soomaaliga ahaa ee Raasta Huwiyay Banaanbaxayaasha Kenya oo war Cusub kasoo Kordhay

0

Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u hadal heysay muuqaal laga duubay nin Soomaali ah oo rasaas ku furay dad dhigayay dibadbax, kaddib markii ay kusoo xoomeen maqaayad uu lahaa oo kutaalla magaalo xeebeedka Mombasa.

Muuqaalkan Cismaan Maxamuud (Qalimow) ayaa si weyn u qabsaday warbaahinta iyo baraha bulshada dalka Kenya, waxaana ninkan lasoo duubay isaga oo qamiis xiran misana biskoolad uu watay ku difaacaya maqaayad uu lahaa oo lagu magacaabo Qaffee Point.

Ninkan ayaana rasaasta uu ku ridy dibadbaxayaasha waxaa ku dhaawacmay labo qof, waxa isna dhaawacyo fudud kasoo gaareen dhagxaan ay ku tuurayeen qaar kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay, kuwaa oo doonayay in ay galaan goobtiisa ganacsi una geestaan boob.

Ciidamada booliiska ayaana xiray Cismaan Qalimow oo rasaasta ku dhaawacay labada qof ee doonayay in ay boobaan goobtiisa, waxaana baaris kaddib xabsiga laga sii daayay Qallimow oo la sheegay in biskoolada uu heestay ay laheyd sharci .

Ninkan Soomaaliyeed ee muuqaalkiisa qabsaday baraha bulshada ayeysan jirin ilaa hadda wax dacwad ah oo lagu soo oogay, waxa ayna booliiska sheegeen in baaritaanno dheeraad ah ku sameyn doonaan kiiska ninkan ganacsigiisa difaacanayay.

“Xaalka ayaa igu xumaaday dhinac kastana dhagax baa iga soo dhacayay dantuna waxay igu khasabtay in aan isticmaalo xabbad si aan u difaaco nafteedayta iyo maalkayga oo khatar galay.” ayuu yiri Cismaan Qallimow oo warbaahinta la hadlay.

Wasiirka difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale oo isna la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ninkaasi Soomaaliyeed uu difaacanayay hantidiisa, waxa uuan xusay wasiirka in ninkaasi uusan dambi gelin uuna ku jiray kaliya is-difaacid.

.Dadka Kenya ayaana muuqaalka ninkan Soomaaliyeed laga duubay si weyn uga falceliyay, dadka qaar ayaana taageeray ninkaasi oo sheegay in hantidiisa iyo naftiisa difaacanayay, halka dadka qaarna ninkaasi ku eedeeyeen in dad dibadbax nabadeed dhigayay rasaas ku furay.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay wada-hadalka la sheegay in lala galayo kooxda Al-Shabaab
Next articleDagaal culus oo Maalintii Labaad Kasocda Degmada Luuq Ganaane