Home Wararka Maanta Soomaaliya oo ballan-qaad Cusub ka heshay Midowga Yurub

Soomaaliya oo ballan-qaad Cusub ka heshay Midowga Yurub

0

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan muhiim ah la qaatay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kuwaasi oo ballan-qaad horleh u sameeyay Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, cirib,tirka Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo howl-galada wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu uga warbixiyay dadaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxaha argagixisada oo ugu horreyso Al-Shabaab.

Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Waxay ballan-qaadeen inay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan howl-gallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, oo hadda dhiig cusub lagu shubayo, si loo dardar-geliyo dagaalka, looguna gudbo wejiga labaad oo ka xoog badan midkan hore.

Safiirrada kulanka la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

Ad
Previous articleXildhibaanadii Dhawaan lagu Afduubtay Nairobi oo Hadlay
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka jawaabtay warbixintii shalay soo baxday ee Ciidamada ATMIS