Home Wararka Maanta Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo Gacanta...

Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo Gacanta Dowlada Soo Galay Xog layaab lehna Bixiyay

0

Ibraahim Sheekh Aadan oo 16 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Bakool.

Ninkaan oo magaciisa afgarashada Shabaab u yaqaanaan ku sheegay (Yowkoyow) ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamo ku sugan degmada Waajid.

Ibraahim ayaa sheegay in 16 sano uu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, taas oo ka dhigan in tan iyo markii la aas-aasay uu ka barbar dagaalamayey.

Saraakiishii uu isku soo dhiibay ninkaan ayaa u waramay Caasimada Online, waxayna sheegeen in Ibraahim uu ka soo dagaalamay dhamaan gobollada dalka, inta ay Shabaab ka joogaan.

Hadda markii uu ka soo goostay kooxda wuxuu ka tirsanaa qeybta Jabhadaha oo ah kuwa u dagaalama kooxda ee militeriga ay u yaqaanaan.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ku noolaa waayey xaaladda adag ee duurka ku heysata kooxda, isagoo saaxiibadiis ugu baaqay inay ka soo baxaan Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si aad isku soo dhiibeysa maalmahaan, waxayna sababta ku sheegeen xubnihii yimid inay u dul qaada waayeen duqeymaha iyo gaajada heysata.

Ad
Previous articleMareykanka oo shaaca ka qaaday in ay meesha ka baxeen dhammaan guulihii ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen Al-Shabaab
Next articleMadaxweyne Biden oo soo saaraya sharci ka farxinaya Soomaalida Mareykanka