Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Gaaray Deegaanka Buula Xaaji oo Asbuuc ka Hor Alshabaab...

Axmed Madoobe oo Gaaray Deegaanka Buula Xaaji oo Asbuuc ka Hor Alshabaab laga Saaray(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ku tagay deeegaanka BuuloXaaji ee gobolka Jubada Hoose oo dhawaan laga xoreeyay Khawaariijta.

Madaxweynaha oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha Dowladda ay bilaabi doonaan Adeegyada bulshada gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo adeega internetka oo dhawaan loo fasaxay deegaanka iyadoo Madaxweynahu uu intaas ku daray in maamulka deegaanka sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo dhisi doono.

Waxaa Madaxweynahu uu balanqaaday in Ciidamada xoreeyay Buuloxaaji ayna dib uga noqon doonin isagoo sheegay in sidoo kale deegaanka laga hirgalin doono maxkamad isla markana aan la aqbali doonin in dacwad loo aado kooxaha Khawaariijta ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudo dheer khawaariijtu ay isku diraysay beelaha deegaanka taas oo sababtay isku dhacyo dhinaca beelaha ah.

Ad
Previous articleCabdifitaax Xarbi oo Si Arxan Dara ah loogu Gubay Meeshii Uu jiifay
Next articleMareykanka oo shaaca ka qaaday in ay meesha ka baxeen dhammaan guulihii ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen Al-Shabaab