Home Wararka Somaliya Puntland Taliyihii Hogaaminaayay Burcadii Markabka Mv Cabdullahi Ka Qaadatay 5 Milyan Oo Mudug...

Taliyihii Hogaaminaayay Burcadii Markabka Mv Cabdullahi Ka Qaadatay 5 Milyan Oo Mudug lagu Qabtay

0

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay magalada Gaalkacyo ku qabteen taliyihii hoggaaminayay burcad-badeedii 5 milan oo madax furashada ah ka qaatay markabka MV Abdullah ee laga la haa dalka Bangaladesh.

Qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in howlgal ku saabsan la dagaalanka burcad-badeeda oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaadda Siinaay lagu qabtay Abshir Cabdi Kheyre jowfe oo 38 jir, ahaana taliyihii burcad-badeedii qafaashay markabka MV Abddullah.

Waa ninkii saddexaad oo maalmo gudahood ay Booliska Puntland qabtaan, kuwaas oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin kooxdii madax furashada ka qaatay markabka MV Abdullah.

Booliiska Puntland ayaana ugaarsi ugu jira soo qabashada kooxaha burcad-badeeda ee afduubtay maraakiib dhowr ah, kuwaa oo mid kamid ah maraakiibtaasina ka qaatay lacag badan oo madax furasho ah.

Ad
Previous articleMaxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin ee ‘dhawaan la beegsaday’?
Next articleCiidamada Alshabaab oo Kordhay iyo Dhaqaalo Waali ah oo Soo Galay Alshabaab