Home Wararka Caalamka Askar ka Tirsan Israil oo Is Dilay kadib Markii loo Sheegay in...

Askar ka Tirsan Israil oo Is Dilay kadib Markii loo Sheegay in GAZA lagu Celinaayo

0

Askari ka tirsan ciidanka Israa’iil, oo ka mid ahaa askartii laga saaray Qasa ayaa is dilay markii uu madaxa iska toogtay

Talaabada uu qaaday askarigan ayaa tmid kaddib markii lagu wargeliyay inuu dib ugu laabanayo Qasa, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa warbixin laga sii daayay raadiyaha ciidanka Israa’iil.

Ciidamada Israel ayaa cabsi iyo argagax weyn kala kulmay dagaalada ka holcaya Magaalada Gaza kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay halka qaar kalena ay qaadeen cuduro nafsi ah iyo waxyeelo xaga maskaxda ah.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga Israa’iil, Ben Gvir ayaa isku dayay inuu ka qayb galo aaska sarkaal ka tirsan ciidanka Israa’iil oo la sheegay in lagu dilay inta uu socday howlgalkii shalay ay Israa’iil ku soo furatay 4 maxabuus.

Dawladda Colombia, ayaa Dhinaca kale ku dhawaaqday go’aan ay ku joojinayso dhuxusha ay ka iibiso Israa’iil ilaa xasuuqa ka socda marinka Qasa uu joogsanayo.

Ad
Previous articleWeriyihii BBC ee la la’aa maalmihii lasoo dhaafay oo meydkiisala helay
Next articleWasiir Roobow oo si yaab leh uga jawaabay eedda loo jeediyay