Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan oo safar ugu baxay dal kuyaalla Yurub iyo xog ujeedka...

Madaxweyne Xasan oo safar ugu baxay dal kuyaalla Yurub iyo xog ujeedka safarkiisa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha Soomnaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Oslo ee caasimadda Norwey, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi iyo masuuliyiin kale.

Waxa uuna Madaxweynaha kala hadli doonaa madaxda dalka Norwey sidii loo xoojin lahaa xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal u dhaxeeya iyo sidii dowladda Norwey u kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024, shirkaas oo ay kasoo qeyb gali doonaan madax kala duwan.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Booliska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Ragii Dilay Cabdullaahi Cabdi Cumar  oo 50-sanno jir ahaa
Next articleWeriyihii BBC ee la la’aa maalmihii lasoo dhaafay oo meydkiisala helay