Home Wararka Maanta Waa Sidee Maantay Xaalada Goobihii Shalay uu ka Dhacay Dagaal ay ku...

Waa Sidee Maantay Xaalada Goobihii Shalay uu ka Dhacay Dagaal ay ku dhinteen 60 Ruux ee Kirsanaa Galmudug?

0

Xaaladda deegaannadii shalay lagu dagaallamay ee gobolka Galgaduud oo maanta deggan iyo duugista meydadkii lagu mashquulsanyahay.

Xaalad degganaansha ayaa ka jirta maanta Axad ah deegaannadii shalay dagaalladu ka dhaceen ee waqooyiga gobolka Galgaduud, dagaalkaasi oo ahaa mid lagu riiqday, khasaare badanna sababay.

Inkasta oo aysan jirin tallaabooyin muuqda oo xagga nabadda loo qaaday, iyo waanwaano xalraadineed oo wax mira-dhal ah sameeyey, haddana sida muuqda shalay ayaa la iskugu gacmo daalay marka la fiiriyo dhinacada dirirtu dhexmartay ee ka soo kala jeeda Xeraale  iyo dhinaca kale oo ah Caabudwaaq iyo Balanballe, waxaana jira ciidamo aan badnayn oo xagga federaalka iyo Galmudug ah oo shalay goor gaaban degay meel labada dhinac dhexdooda ah.

Khasaarihii ugu badnaa oo inta la xasuusto oo hal gelin dhaca marka la fiiriyo dagaalladii deegaannadaasi ayaa shalay ka dhashay iskudhaca, waxaana labada dhinac la tilmaamaayaa dhimasho in ka badan 60 ruux, halka dhaawucuna waa labanlaab ku dhawyahay.

Dagaalladaan beeleed ayaa salka ku haya shaxeexaysi iyo kala sheegasho xagga Daaqa iyo deegaanka ah, taasoo sababtay iskudhacyo soo laalaabtay, dhiig badanna ku daatay, midda shalayna ay ugu dambaysay.

Inkasta oo aysan maanta wax xabbad ahi socon, haddana lama oga in ay sii socon karto degganaantu, waxaana maanta aad loogu mashquulsanaa aaska dadkii dhintay iyo daryeelka dhaawacyada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa xalay xilli dambe magacaabay guddi nabadda ka shaqeeya oo guddoomiye looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdiwaayeel, kaasoo ka soo jeeda deegaannada waqooyiga gobolka Galgaduud.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleIsrail oo Dagaal ay ku dhinteen 210 kusoo Furatay 4 Maxaabiis oo laga haystay
Next articleWar Deg Deg ah: Booliska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Ragii Dilay Cabdullaahi Cabdi Cumar  oo 50-sanno jir ahaa