Home Wararka Maanta Alshabaab oo Gudaha Dalka Kenya Dad ku laysay

Alshabaab oo Gudaha Dalka Kenya Dad ku laysay

0

Xaalado cabsi leh ayaa ku xeeran toogasho lagu dilay afar qof oo ka mid ahaa shaqaale dhisayay isbitaal ku yaalla tuulada Bogyar oo hoos-taagta degmada Dhadhaab ee ismaamulka Garissa.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadan oo habeenimadii xaley lagu dilay afarta qof xilli ay ku sugnaayeen goob dhismo ay ka wadeen.

Sida ay Booliisku sheegeen waxaa la rumeysan yahay in afartaasi qof ay dileen kooxda AS oo xilliyo kala duwan wareero ka fuliyey gudaha dalka Kenya.

Shaqaalaha dhismaha cisbitaalka waday ee la dilay ayaa Dhammaantood ahaa dad aan deegaanka u dhalan.

Raggan ayaa dilka loo gaystay xilli ay nasanayeen oo ay shaqada ka baxeen.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ilaa hadda aysan garaneyn sababta shaqaalahan dhismaha waday loogu qaaday weerarka dhimashada dhaliyey waxayna ciidamada Booliska intaasi ku dareen in Meydadka dadka la dilay la geeyay goob meydadka lagu keydiyo iyadoo la sugayo baaritaanno dheeri ah.

Tuulada Bogyar oo ku taalla wadada isku xirta Dhadhaab iyo Garissa ayaa ka mid ah meelaha ay ka jirto caqabado dhanka ammaanka ah oo ay sabab u tahay weerarada joogtada ah ee ay kooxda AS ka geystaan gobolka waqooyi bari Kenya.

Masuuliyinta Dhadhaab ayaa cambaareeyay falka lagu dilay shaqaalaha dayac-tir iyo dhismo cusub ka waday cisbitaalka tuulada Bogyar waxana sidoo kale dhacdadan wax laga xumada ku tilmaamay dadka deegaanka Dhadhaab iyo Bogyar.

Kooxda AS ayaa horey weeraro ugu qaaday goobo ku dhow xuduudka Kenya iyagoo adeegsanaya hub iyo walxaha qarxa oo ay ku dhinteen tobaneeyo qof.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay wadan Howlgallo ballaaran si looga hortago weerarrada ka dhaca deegaannada hoos-taaga Dhadhaab.

Falalka dilka ah ee ay As ka gaystaan deegaanno ka tirsan gobolka waqooyi bari ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan hawl-gallo lagu doonayo in lagu wiiqo dhaqdhaqaaqa argagixisada ee guud ahaan gobolka, waxana Weeraradii ugu dambeeyay ee kooxda As ay ka gaysteen gudaha dalka Kenya awgood ay dowladda Kenya ku qasbay in ay hakiso qorshaha lagu furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleLaftagareen oo Ciidamada Itooboya Kala Hadlay Amniga Koonfurgalbeed Xili Dowlada Soomaaliye Sheegtay in Itoobiyaanka Lasaraayo
Next articleAlshabaab oo Afduubtay Culumo la Tirsanaa Ahlusuna Waljmaaca