Home Wararka Maanta Axmed Madoobe & Deni oo dalbaday in Shirka uu ku baaqay farmaajo...

Axmed Madoobe & Deni oo dalbaday in Shirka uu ku baaqay farmaajo lagu qabto Muqdisho

0

Iyada oo xalay Madaxweynaha Soomaliya uu shir isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa ay dalbadenen in shirkaasi lagu qabto Magalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in farmajo uusan Puntland kala tashan shirka uu ku baqay, sidaas daraadeedna ay dalbanayaan in lagu qabto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka ayaa lagu yiri” Qoraalka Puntland.

Dhinaca kale Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in Maamulka Puntland ku raacay in Shirka lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in shirkaasi uu Madaxweyne Farmaajo ku doonayo in uu isaga horkeeno Puntland iyo Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd amarkii Madaxda dowladda, Madaxda dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir ay shirk u yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, shirkaas oo ugu dambeyn wax natiijo ah kasoo bixin.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMareykanka oo walaac ka muujiyay muranka kajira doorashada Soomaaliya
Next articleKenya oo war kasoo saartay khilaafka kala dhaxeeyo Soomaaliya