Home Wararka Somaliya Puntland Ciidamada Booliska Puntland iyo Kuwa PSF oo Khilaaf Culus ka Dhex Qarxay

Ciidamada Booliska Puntland iyo Kuwa PSF oo Khilaaf Culus ka Dhex Qarxay

0

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa ka jawaabtay hadal shalay kasoo yeeray Taliyaha Booliska Puntland oo sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan ciidanka PSF oo cadow u arka booliska maamulka.

PSF waxay ayaan darro ku tilmaamtay in Taliyaha Booliska Puntland Mr Muumin inuu eedeyn aan sal iyo raad toona laheyn u jeediyo ciidamada PSF, ayada oo iska fogeysay in wixii shalay ka dhacay Boosaaso yihiin amar ciidan ama wax ay ka dambeysay PSF.

“PSF waxay u taagan tahay la-dagaalanka argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish iyo helida xogaha lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay PSF.

PSF ayaa sidoo kale waxay dalbatay in deg-deg loo sii daayo afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo oo ay sheegtay in si sharci darro ah loo xirtay, ayada oo Taliyaha Booliska Puntland ku eedeeysay inuu ka been sheegay “afduubka loo geystay afhayeenka,” sida hadalka u dhigeen.

 

Ad
Previous articleSafaarada Maraykanka Lubnaan oo La Weeraray
Next articleCiidamada Macawislayda oo SaakaybToogtay Horjooge Ka Tirsanaa Alshabaab