Home Wararka Maanta Safaarada Maraykanka Lubnaan oo La Weeraray

Safaarada Maraykanka Lubnaan oo La Weeraray

0

Beirut (Caasimada Online) – Nin hubeysan ayaa Arbacada maanta ah rasaas ku furay safaaradda Mareykanka ee Lubnaan, waxaana uu ku dhaawacmay rasaas ay is-weydaarsadeen ciidamada ammaanka, sida ay sheegeen ciidamada Lubnaan.

Ciidamada ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo u dhashay dalka Suuriya la xiray lana dhigay isbitaal si loogu dabiibo, islamarkaana ciidamada ay goobta ka baadi goobayeen rag kale oo hubeysan.

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in subaxnimadii meel u dhow albaabka laga soo galo safaaradda laga soo sheegay rasaas. Waxay intaas ku dartay in xarunta iyo shaqaaluhuba ay bad-qabaan.

Safiirka Maraykanka Lisa Johnson ayaa hadda safar ugu maqan meel ka baxsan Lubnaan, sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed.

Ad