Home Wararka Maanta Maxamuud Karaama Oo Maantay Xukun Adag Lagu Riday

Maxamuud Karaama Oo Maantay Xukun Adag Lagu Riday

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud (Karaama) oo lagu helay kamid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan uu Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lagcagaha baadda ah ee magaalada Muqdisho, waxayna ku xkuntay 8 sano oo xabsi ciidan ah.

Hoose ka akhriso xukunka iyo maraxadaha uu soo maray.

Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan inuu Qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah ee Khawaarijta ay ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho.

Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Khawaarijta ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-ka, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo Khawaarijta ka tirsanaa, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baad ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago baad ah.

Sidoo kale waxa uu Khawaarijta u gudbin jiray Qiyaaasta qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogteeda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, waxaana arrimahaan uu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloowdba mar ay Khawaarijtu siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar, Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bisha Koowaad ee Sanadkaan 2024.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Cagta Mariyay Xeryahaan oo Alshabaab Daganaayeen
Next articleMaxay tahay sababta diyaaradda Kenya Airways ay dhawr jeer uga degi weyday garoonka Muqdisho?