Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamadii Ugu Badnaa oo Beeshaan u Dirtay Furimaha Dagaalka

Ciidamadii Ugu Badnaa oo Beeshaan u Dirtay Furimaha Dagaalka

0

Waxaa maanta Muqdisho laga sagootiyey ciidankii ugu badnaa ee beesha Caadicadde oo ku wajahan furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay degto beeshaasi.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan golaha shacabka ee BFS ayaa maanta Muqdisho ka sagootiyey ciidankaas oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay lagu diyaarinayey xeryaha Muqdisho.

“Deegaanadeena dadka ku nool waxaa laga qaadaa baad, si joogto ah ayaa loo dhibaateeyaa dadkeena, jirka Shabaab bir kama sameysna anaguna buunshe ma nihin,” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Xildhibaanka ayaa ciidanka ku wajahan furimaha dagaalka ka balan qaaday inay u raaci doonaan dagaalka, oo masuuliyiinta beesha ay ka qeyb qaada doonaan xoreynta deegaanada beesha.

“Sida lagu yaqaano beesheena dagaalka ma jeclin, laakiin hadii nala qasbo waan ka guul gaarnaa, waa nagu kalifeen Al-Shabaab dagaalkaan, waana ka adagnahay, meel aan ku jabnay weligey ma maqlin,” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif.

Wuxuu qiray in abaabul xumo dhanka beesha ah ay jirto, balse wuxuu sheegay in dagaal xumo aan lagu aqoon beesha Baadicadde, “hadda ka hor mar aan isugu tagnay Buuloburde Al-Shabaab waa qalqaleen, waxay dhaheen hadii Baadicade dagaalka soo galo waa noo dhamaatay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ciidanka beesha Baadicadde waa markii ugu horeysay oo Muqdisho laga abaabulay, waxayna maanta galeen safar dhulka ah oo Hiiraan ay ku tegayaan, halkaas oo ay ka bilaabayaan howlgal xureyn ah oo ku wajahan dhulka Baadicadde.

Tuulooyin badan oo hoos taga Buuloburde iyo Jalalaqsi oo beeshaasi ay degto ayey ku habsatay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo intooda badan aan weligood laga saarin, balse sida qorshuhu yahay maalmaha soo socda ayaa Al-Shabaab laga saarayaa dhulka Baadicadde ka dego gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articlePuntland oo ka Hadashay Duqayntii Maraykanka Iyo Dowlada Soomaliya ka Fuliyeen Buuraha Puntland
Next articleRagii Mudug ku Dilay Cabdiraxman Maxamed Afrax oo Xadka Kenya Laga Soo Qabtay(Sawiro)