Home Wararka Maanta Maamulka Jubaland oo ayana Si Cad u Diiday inay Ciidamada Itoobiya Dalka...

Maamulka Jubaland oo ayana Si Cad u Diiday inay Ciidamada Itoobiya Dalka Laga Saaro

0

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in talaabada DF ay dalka uga saareyso ciidanka Itoobiya ku tilmaamay xaalad adag.

Maxamuud Sayid Aadan oo haatan jooga Muqdisho ayaa sheegay in cida kaliya ee arrintaas ka faa’iideysa ay tahay Al shabaab.

“Ma ahan arrin la isku raaci karo hadda, Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Juballand

Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa horey u sheegay in haddii ay ciidamo ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya ay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,” ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii sheegay in dawladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS.

Xuseen Sheekh Cali, oo ka hadlay X Space ay ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka.

 

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleWar Hor Leh oo Kasoo Kardhay Geerida Taliye Juuqlaawe iyo Dad Kale Uu Geeriyooday iyo Kuwa Nolosha Lagu Qabtay
Next articleCiidanka Israel oo mar kale haween iyo caruur ku laayey bartamaha Gaza (Sawirro)