Home Wararka Maanta War Hor Leh oo Kasoo Kardhay Geerida Taliye Juuqlaawe iyo Dad Kale...

War Hor Leh oo Kasoo Kardhay Geerida Taliye Juuqlaawe iyo Dad Kale Uu Geeriyooday iyo Kuwa Nolosha Lagu Qabtay

0

Faahfaahin Dheere ah ayaa kasoo Baxaysa Dilka Loo gaystay Talihihii Ururuka sadexaad ee Ciidamada Darwiishta Gobalka Shabeelada Dhexe Taliye Cabdulqaadir oo loo Yaqaanay Juuqlaawe.

Taliye Juuqlaawe iyo Ciidamo uu hogaaminaayay  ayaa maalmihii Danbe Ku sugnaa Gobalka Shabeelada Dhexe oo Dagaalo Soo laalaabtay uu ku dhexmaray Laba beel oo walaalo ah oo kawada tirsan Bessha Abgaal

Beel kamid ah Beelaha Abgaal ayaa Saakay Dilay Mid kamid ah Beelaha Abgaal Gaar ahaan Beesha Cabdalla Caroone intaas kadib Ciidamadii uu Hogaaminaayay Taliye Juuqlaawe ayaa Ku baxay Goobtii Dilku uu ku dhacayee lagu magacaabo Caduure oo Hoos tagta Degaanka Xaaji Cali.

Balse Ciidamadii Taliyaha ayaa Ka dul dhacay Beesha Cabdalla Caroone oo Dullan ah kuwaas oo Doonaaya inay Soo aarsadaan Ciidamada Booliska ayaana ku amray Beeshii Weerarka ahayd inay Hubka Dhigaan.

Beesha Cabdalla Caroone oo Ka biya Diiday Hubka dhigistii ayaa Dagaal Kala Hortagay Ciidamadii Booliska Dagaalkaas ayaana Sababay Geerida Taliye Juuqlaawe iyo Laba Kamid ah Maleeshiyaadkii Beesha Cabdalla Caroone Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa nolosha Kusoo qabtay Sadex kamid ah Maleeshiyaadka Beesha Cabdalla Caroone.

khasaaraha Soo gaaray Ciidamada Booliska ayaa lagu sheegay Geerida taliye juuqlaawe iyo Hal Askari oo asna Dhaawac Soo gaaray Xaalada ayaana ah Haatan mid aad u kacsan waxaana laga cabsi qabtaa in Beesha Dagaal Rogaal Celin ah ay kusoo Qaadaan Ciidamada Booliska oo Haatan Haysta Maleeshiyaad ay dagaalka kusoo qabteeen.

Ad
Previous articleSidee ayuu Dhacay Dilka Taliye Juuqlaawe ee lagu Dilay Xaaji cali
Next articleMaamulka Jubaland oo ayana Si Cad u Diiday inay Ciidamada Itoobiya Dalka Laga Saaro