Home Wararka Caalamka Israa’iil oo ugu dambeyn aqbashay heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza

Israa’iil oo ugu dambeyn aqbashay heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza

0

Kaaliyaha Ra’iisul Wasaarha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo Axad ah xaqiijiyay in Israa’iil ay aqbashay heshiis guud oo lagu joojinayo dagaalka Gaza.

Heshiiskan ayaa waxaa soo bandhigay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, iyadoo kooxda Xamaas ay horey u soo dhoweysay heshiiskan oo ka kooban saddex waji oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.

Hase ahaatee Kaaliyaha ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid qabyo ah oo dhamaystir u baahan.

Aqbalaada Israel ee heshiiskan ayaa la sheegay iney timid ka gadaal cadaadis xooggan oo kaga yimid dalalka Mareykanka iyo reer galbeedka oo weji gabax iyo ceeb kala kulmay taageerada Israel markii ay ku kacday xasuuq ay ka geysatay Gaza.

Israel ayaa sheegtay iney dagaalka Gaza u gashay xaqiijinta labo hadaf oo kala ah iney baabi’iso Xamaas iyo sii deynta la heystayaasha hase ahaatee 7 bilood oo dagaal ahka dib labadaas hadaf midkoodna kuma guuleysan, waxayna arrintaas niyad jab ku riday dowladihii taageerayey oo u arkay in natiijada ka dhalatay dagaalkaas ay tahay oo kaliya xasuuq lagu laayey 36 kun oo Falastiiniyiin ah.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMadaxweyne Qoorqoor oo furay kalfadhiga 10aad ee Barlamanka Galmudug Booqdaynay….(Sawirro)
Next articleKhilaaf Culus oo ka Dhex Qarxay Laftgareen iyo Xasan shiikh