Home Wararka Maanta Maamulka Koonfurgalbeed oo Si cad u Diiday in Ciidamada Itoobiya Dalka Laga...

Maamulka Koonfurgalbeed oo Si cad u Diiday in Ciidamada Itoobiya Dalka Laga saaro

0

Maamulka Koonfur Galbeer ayaa si cad uga horyimid qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka.

Wasaaradda amniha Koonfur Galbeed ayaa been abuur ku tilmaamtay hadal kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka Xuseen Macallin Maxamuud oo sheegay in dhammaadka sanadkan 2024-ka ciidamada Itoobiya ay isaga bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya.

“Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanadkan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale wasaaradda amniga gudaha Koonfur Galbeed oo soo jawaabtay ayaa waxba kama jiraa ku tilmaamtay hadalka Xuseen Macallin ee ku saabsanaa doorka ay ciidamada Itoobiya ku yeelan doonaan howlgalka beddelaya ciidamada ATMIS.

Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale u mahad-celisay ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanadeeda, ayada oo ku amaantay kaalinta ay ka qaataan amniga iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa abuuraya xiisad horleh, maadaama Koonfur Galbeed ay si cad uga hortimid qorshaha dowladda federaalka ee ciidanka Itoobiya oo hadda ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee maamulkaasi.

Itoobiya ciidamada ka jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Si kastaba, waxaa haatan socdo la tashiyo ku aadan ciidanka badali doona hawgalka ciidamadaATMIS kuwaas oo isugu jira kuwo siyaasadeed, muwo dhaqaale iyo arimo farsamo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDiyaarada Kenya Airways oo Ku dagiwaysay Garoonka Diyaarada Muqdishu Dibna U laabatay Ogoow Sababta
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ciidamadii Ugu Badnaa Udirtay Alshabaab laga Saari waayay Degmadaaan