Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Dilka loo gaystay Gudoomiye Mukhtaar Nuur Geesey

Wararkii Ugu danbeeyey Dilka loo gaystay Gudoomiye Mukhtaar Nuur Geesey

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay Mukhtaar Nuur Geesey oo ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka deegaanka Lafoole oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho, sida ay innoo i sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Dharkenley, kadib markii rag hubeysan ay ku fureen rasaas, wuxuuna ku dhintay isla goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay soo qaadeen maydka marxuumka oo ay geeyeen xarunta laanta dambi baarista ee C.I.D, si baaris loogu sameeyo dhacdadaasi.

Kooxda dilka gaysatay ayaa sida caadada ahayd goobta ka baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah Muqdisho kula beegsato mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada, balse ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee deegaanka Lafoole.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDawladda Federaalka oo muddeysay waqtiga ay tahay in askarta Itoobiya uga baxaan guud ahaan Soomaaliya
Next articleninkii Dhawaan Hooyadiis Ku dilay Magaalada Wajeer oo asna Geeriyooday