Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in Ciidamada Itoobiya...

War Deg Deg ah: Dowlada Soomaaliya oo ku Dhawaaqday in Ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya laga Saraayo

0

Ciidamada Itoobiya kama sii mid ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya, waxaana dhamaantood laga saari doonaa dalka, si ka duwan wadamada kale ee ciidamada ATMIS ay ka socdaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ciidanka ATMIS ee dalka ka baxaya lagu daro gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka jooga gudaha Soomaaliya, sida uu sheegay La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud.

La-taliyaha amniga qaranka ayaa sheegay in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ee dalka jooga ayaa aad u badan lagamana hayo tiro rasmi ah, maadaama ay jiraan cutubyo aan ka tirsaneyn ATMIS oo si ka madax-banaan howlgalka Midowga Afrika u jooga dalka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya aysan hadda kadib ilaali ka sii ahaa doonin xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya, isla markaana la qorsheeyey in gabi-ahaantood laga saaro dalka dhamaadka sanadkaan.

Hadda ciidamada Itoobiya goobaha ugu muhiimsan ee dalka ay uga sugan yihiin waxaa ka mid ah Baydhaba oo madaxtooyada maamulka K/Galbeed ay degan yihiin, Gedo, Bakool iyo Hiiraan, dowladda Soomaaliya ayaa hadda shaacisay inay ka go’antahay in bilo gudahood dalka looga saaro dhamaan ciidanka ka jooga Itoobiya.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya waxay saaxiibada caalamiga ah kala xaajoonaysaa in la helo ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka hawlgeli doona Soomaaliya muddo hal sano ah oo ku beegan Janaayo 2025-ka.

Sida u qorsheysan dowladda Soomaaliya ciidamada cusub ee Janaayo 2025 ka howl-bilaabaya dalka kuma jiraan kuwa Itoobiya, waxayna u badan tahay in qiyaastii 10,000 oo ciidanka ATMIS ka tirsan ay sii joogi doonaan, kuwaas oo wax laga bedelayo hanaanka ay u shaqeeyaan iyo magaca ay ku howlgalaan.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay, waxayna gaartay heer labada dal ay kala xirtaan safaaradaha, iskuna hanjabaan, Soomaaliya ayaa raadsatay garbo caalami ah, waxayna muujisay in dhanka diblomaasiyadda ay uga adkaatay Itoobiya, sidoo kale Soomaaliya ayaa u diyaar garowday hadii Itoobiyaanku wax ku raadiyaan gacan ka hadal.

Awooda ugu weyn ee Soomaaliya ay ku tashaneyso waa Turkiga oo saxiixay in 10 sano uu difaaci doono badda Soomaaliya, mudadaas waxaa lagu dhisi doonaa ciidamada badda Soomaaliya, sida lagu xusay heshiiska, waxaana lasoo saari doonaa shidaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Shiinaha oo markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi ay dhawaan Somaliland u dirtay Taiwan
Next articleDiyaarado Dagaal oo Saakay Duqayn Culus ka Fuliyay Puntland