Home Wararka Maanta Hay’ada Lacagta Aduunka oo Malaayiin Doolar u Fasaxday Dowlada Soomaaliya

Hay’ada Lacagta Aduunka oo Malaayiin Doolar u Fasaxday Dowlada Soomaaliya

0

Guddiga sare ee hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo gaba-gabeeyay dib-u-eegistii 1-aad ee dhaqaalaha Soomaaliya, kadib hannaankii deyn-cafinta.

Guddiga sare ee IMF ayaa Soomaaliya u fasaxay, una ogolaaday in Soomaaliya si deg-deg ah loo siiyo lacag dhan 10 milyan oo doolar, si ay ugu taageeraan siyaasadda dhaqaale ee Soomaaliya.

Go’aanka gaba-gabada ah ee guddigu soo saaray ayaa lagu fasaxay lacagtaan cusub oo taageero u ah horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dib-u-habaynta maaliyadda dalka.

Kadib, shirar isdaba joog ahaa oo ay wada qaateen madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa hay’adda IMF, kulamadaas oo soo socday tan iyo December 2023-kii markii ay dowladda Soomaaliya gaartay bar dhamaadka deyn cafinta, ayay hada si rami ah ugu dhawaaqeen gudda sare ee IMF “in dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha.”

Hay’adda IMF ayaa saadaalin wanaagsan ka bixisay hiigsiga 2024-ka halka lafilayo in uu gaaro dhaqaala Soomaaliya (GDB) oo ah 3.7 boqolkiiba, marka loo eego halkii uu taagnaa sanadkii tagay ee 2023-ka oo uu ahaa 2.8. boqolkiiba.

“Soomaaliya waxay sii waday in ay horumariso barnaamijyadeeda dib-u-habeynta Maaliyadda oo u ahaa ajande xoogan oo mudnaan gaar ah lasiiyay, sidoo kale, waxaa xooga la saaray joogteynta qorshayaasha horumarinta dakhliga iyo maamul wanaaga maaliyadda,” ayaa lagu yiri warbixinta IMF.

Taageerada $10-ka Milyan ee dollar ayey sheegtay IMF in la marin doono miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, taasi oo ka dhigaysa wadarta guud ee taageerada maaliyadeed ee IMF ee Soomaaliya $50 milyan .

Sidoo kale waxay sheegtay hay’adda IMF in taageeradan ay waafaqsan tahay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya iyo hiigsiga fog ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, xoojinta dakhliga iyo maamulka maaliyadda.

13-kii December ayey aheyd markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa, tan iyo markaas Soomaaliya ayaa haysatay fursad wanaagsan oo ay ku heli karto deeqo caalami ah iyo maalgashi ballaaran

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada dowlada oo Qaaday Howlgal Culus oo lagu Qabanaayo Degmada Ruunirgood
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Galabtay Dib ugu Soo laabtay Dhuusamareeb(Sawiro)