Home Wararka Maanta Xijaar oo loo Magacaabay wasiir Ka Tirsan SSC Khaatumo

Xijaar oo loo Magacaabay wasiir Ka Tirsan SSC Khaatumo

0

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye ayaa xalay qaaday tallaabo culus wuxuuna isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirada, sida lagu caddeeyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu magacaabay illaa 13 xubnood oo uu ku jiro taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo loo magacaabay wasiirka cadaaladda ee maamulka SSC-Khaatumo.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Xeer Hoggaamiye 16/2024

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Aragtida Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 6aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 15aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatum

Markuu ku Qancay: Aqoonta iyo waayo aragnimada Masuuliyiintan

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la helo Masuuliyiin hanan kara Xilalka loo igmaday

Markuu La Tashaday: Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Wuxuu go’aamiyey

In laga bilaabo maanta oo Taariikhdu tahay 12/05/2024 Masuuliyiintani qabtaan xilalka loo magcaabay

1. Waxaa Mud. Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

2. Waxaa Dr. Xil Yuusuf Sulaymaan Sancad loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

3. Waxaa Mud. Najiib Barkhadle Warsame loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

4. Waxaa Mud. Ibraahim Jaamac Reygal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Amniga

5. Waxaa Mud. Dr Axmed Xaashi Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada

Ad
Previous articleWaa kuma ninka Putin u ahaa saaxiibka ugu dhow ee haatan xil-kaqaadista lagu sameeyay?
Next articleDowlada Masar oo qaadatay go’aan culus oo lama filaan iyo dharbaaxo ku noqday Israel