Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 5 nin oo ku eedeysan inay kufsi ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo wajahaya eedeymo culus.
Raggaan ayaa kufsaday hal gabar, waxayna booliska Soomaaliya soo bandhigeen sawiradooda, inkastoo markii dambe ay warbaahinta codsadeen in sawirada aan loo isticmaalin baraha bulshada.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigey Eedaysanayaal Kufsi Wadareedu geysteyGabar Soomalaiyeed
Markay Taariikhda Aheyd10-05-2024 abaaro 06:00pm Fiidnimo waxaa Howl-gal lagu Soo Qabtey Eedeysane oo Kufsi wadareed u geystey Gabar Soomalaiyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.
Eedeysanayaashaaan ayaa lagu sheegay qoraal inay Gabadha ku kufsadeendegmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Si gaar ah kufsi wadareedkaas ayaa gabadha loogu geystay Waaxda Horseed ee degmada Xamarweyne, waxayna arrintaasi noqotay mid ka yaabisay dadka xaafadaasi ku nool.
Raggaan ayaa gabadha la galay guri jajaban oo ku yaala waaxdaas, waxayna isku dayeen in kufsiga kadib ay baxsadaan.
Booliska degmadaXamarweyne oo kaashanaya shacabka ayaa dadaal dheer kadib ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan raggii kufsiga u geystay gabadha.
5-taeedeysane ee kufsigaas loo heysto ayaa hadda ku xiran saldhigga Booliska Degmada Xamarweyne, waxaana la hor geynayaa cadaaladda, sida lagu shaaciyey qoraalka booliska.