Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaab kii Ugu Badnaa oo Xalay Lagu laayay Duqayn Culus oo ka...

Alshabaab kii Ugu Badnaa oo Xalay Lagu laayay Duqayn Culus oo ka dhacday..

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday degmada Kunya-barow ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday goob ay ku shirayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo bartilmaameed ahayd ayaa u dhacday sidii loo qorsheeyay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobolkaasi.

Afar gantaal oo culus ayaa la sheegay inay ku dhaceen gudaha magaalada, kuwaas oo qaarkood lala helay xarunta ay ku shirayeen saraakiisha Al-Shabaab, halka kuwa kalena lagu burburiyay gaadiid ay lahayd kooxda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiishii ugu badnayd iyo dagaalamayaal gaaraya illaa 70 xubnood lagu laayay duqeyntaasi, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil ajaaniib ah.

Waddamada illaa iyo hadda la shaaciyay saraakiisha ajnabiga ah ee la dilay waxay kasoo kala jeedaan dalalka Kenya, Suudaan, Yemen iyo waddamo kale.

Sidoo kale saraakiil kale oo Soomaali ah ayaa lagu khaarijiyay duqeynta, kuwaas oo fadhiyay shirka, xilliga la duqeynayay degmada Kunya-barow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay faahfaahin rasmi ah ka bixiso duqeyntaasi lasoo wariyay in xubno badan iyo saraakiil looga dilay Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda oo ku aadan duqeyntaasi uu khasaaraha badan kasoo gaaray dagaalyahanadeeda, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo lagu haysto Duqayntii Dhawaan ay Laysay 23 Qof oo Shacab ah oo ku sugnaa….
Next articleDaacigii Ka Tirsanaa Ciidanaka mitateriga Soomaliya oo Xil Sare loo Magacaabay