Home Wararka Maanta Ra’iisul wasaare Xamse oo safarkiisii u horreeyay ugu baxay Dalka………

Ra’iisul wasaare Xamse oo safarkiisii u horreeyay ugu baxay Dalka………

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminayo ayaa saakiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.

Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono Nairobi.

Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in safarka ra’iisul wasaare Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah.

Sidoo kale waxaa qiimeyn lagu saameyn doonaa arrimaha duulimaadyada, ganacsiga, maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dowladood.
Booqashadan ayaa lagu sio aadiyay, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga.
Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiis kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXamaas oo weerar ku dishay Askar badan oo Israel ah iyo fashil ku yimid Wadahadalo socday
Next articleMuran Hor Leh Oo Soo Kala Dhex Galay Israel Iyo Xamaas Iyo Cabsida Dagaal Cusub