Ciidamada Macawisleyda Koonfurta Mudug ayaa maantay Gacanta ku dhigay Madaxii Muqaabaraadka kooxda Alshabaab oo lagu magacaabi jiray Farxaan Shalaange, kaas oo howlo sahmin ah kawaday baadiyaha Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidanka Macawisleyda Koonfurta Gobolka Mudug Gurey Nuur Ganaje ayaa sheegey inay Howlgal qorshaysan kusoo qabteen Xubintaan ka tirsanaa Alshabaab isla markaana u qaabilsanaa Basaasida Ciidamada iyo Howlaha Sirdoonka kadib xog ay ka helaan Dadka degaanka.
Ciidamada Macawisleyda oo kaashanaya ciidamada Daraawiisht ayaa howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga Degaanada Koonfurta waxay sameeyaan Si joogto ah, kaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Kooxda Alahabaab.
Ad